Shirarkii 3-aad ee Rooble iyo Farmaajo oo wada fashilmay

Madaxweyne Farmaajo iyo R'iisul Wasaare Rooble ayaa labadoodaba waxay ku baaqeen shirkii 3-aad oo ay la yeelanayaan Dowlag goboleedyada iyo Golaha midowga Musharaxiinta, labadooba wey ku guul darreysteen ka miro dhalinta shirarkaasi

Warar Keydmedia Online
Shirarkii 3-aad ee Rooble iyo Farmaajo oo wada fashilmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkii saddexaad isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada dalka si loo dhammeystiro is af-garadkii lagu gaaray magaalada Baydhabo, waxaana shirkaas oo loo qorsheeyay inuu dhaco 04/03/2021 uu qabsoomi waayay iyadoo laba kamida dowlad goboleedyada dalka ay diideen iyagoo shuruud ku xiray.

Sidoo kale RW Rooble ayaa isna shirkii saddexaad ugu baaqay golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 kaasoo ka dhacay Hotel ku dhex yaal gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, shirka ayaa la isla fariistay isagoo qaatay waqti badan, ugu dambeyntiina waa lagu kala tagay iyadoo koox waliba ay qabatay shir jaraa'id oo ay dhinaceeda isaga bari yeeleyso fashilka ku yimid shirka, una saarineysa dhinaca kale.

Haddaba waxaad mooddaa in labada mas'uul ee ugu sarreysa dalka ay qaadeen tallaabooyin isku eg, madaxweynaha ayaa shirkiisa fashil ku yimid inta aan la isku imaan, waxaana shuruud adag ku xiray madaxdii kale ee ay is hayeen, horayna uu u diiday inuu u tanaasulo inta aan la gaarin 08/02/2021 xilligaas oo ku ekeed muddo xileedka madaxweynaha, waxayna dalbadeen in shirka lagu qabto meel ka baxsan goob uu maamulo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si gaarana waxay u dalbadeen xerada Xalane in lagu qabto.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa isna dhankiisa qaaday tallaabo ka yara durugsan tan madaxweynaha, wuxuuna ku guuleystay in la isla soo fariisto, oo laga wada doodo qodobada la isku hayay, waxaana ugu dambeyntii la isku mari waayay qodob muhiim ah kaasoo uu diidanaa madaxweyne Farmaajo, balse ay ogolaayeen madaxda dowlad goboleedyada kuwaasoo horay usoo jeediyay in laga tala-geliyo saamileyda siyaasadda shirka maadaama uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha.

Shirka uu RW Rooble iclaamiyay waqtiga badana ku bixiyay waxaa la sheegay in farriin uu soo diray Farmaajo darteed lagu kala tagay, halkaana lagu laalaabay gogoshii Decale Hotel ee magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.