Shirka amniga doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho

Shirkan ayaa u muuqda mid aanay xuquuq ku lahayn Musharaxiinta amnigooda u baqanaya.

Warar Keydmedia Online
Shirka amniga doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo amniga doorashooyinka, waxaana lagu falanqeyn doonaa sida ammaanka doorashooyinka loo sugi lahaa.

Shirkan waxa uu socon doonaa muddo Saddex maalin ah, waxaana furay taliyaha ciidanka Booliska DFS, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna guddoomiyaha amniga doorashooyinka qaranka.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya xubno ka kala socda xafiisyada Madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha, NISA, XOOGGA DALKA, AMISOM, QM, UN iyo taliyeyaasha ciidamada ee dowlad goboleedyada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.