Shirka arrimaha doorashooyinka oo furmay

Rooble iyo Madaxda Maamullada ayaa leh kulan gaar ah, iyado lagu wado in berri ay ku biiraan Musharixiinta Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Shirka arrimaha doorashooyinka oo furmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaare Rooble ayaa maanta ka daah-furay Teendhada Afisyooni Shirka arrimaha doorashooyinka, oo ay ka qeybgalayaan Madaxda shanta Maamul Goboleed iyo duqa Muqdisho.

Shirka ayaa ku furmay jawi wanaagsan oo aan jirin wax shuruudo ah oo Madaxda maamullada, gaar ahaan Deni iyo Axmed Madoobe keeneen si lamid ah Shirkii hore ee Farmaajo.

Waxaa la filayaa in shirkan heshiis lagu gaaro, maadaama meesha uu ka baxay Farmaajo oo xukunka isku dhejiyay, islamarkaana tanaasul diiday.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirka, waxaana loogu baaqey dhinacyada kulankainay wadahadalkan kasoo saaraan natiijo wanaagsan oo dan u ah dalka iyo dadka.

Shirkan wuxuu imtixaan siyaasadeed u yahay Rooble oo hadii wax wanaagsan kasoo baxaan ay sare u qaadeyso kalsoonida lagu qabo hogaankiisa, iyadoo meesha ka baxaysa eedeynii loo jeedinayay ee ah inuu wali ku xiran yahay Farmaajo, oo uusan madax-banaaneyn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.