Shirka Beesha Mudullood iyo qorshaha Farmaajo

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Kulan gaar ah la yeeshay Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood, gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Warar Keydmedia Online
Shirka Beesha Mudullood iyo qorshaha Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, oo haatana ah hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xaruntooda Muqdisho ku qaabiley maanta Odayaasha dhaqanka Beesha Mudullood.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka iyo shirka beesha Mudullood ay yeelan doonto, kaasoo rajo laga qabo inuu noqdo mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha & degganaanshaha Muqdisho.

War qoraal ah oo lasoo saarey shirka kadib ayaa lagu sheegay inuu kulanka ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo in laga wada shaqeeyo nabadda & danaha guud ee dadka.

Waxaa madasha ku sugnaa Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood, gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle. Sidoo kale Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa qeyb ka ahaa oo goobta joogey.

Dhaq-dhaqaadyada ay wadaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa waxaanan ku faraxsanayn Villa Soomaaliya, iyadoo horey Farmaajo isagu dayay inuu kala jebiyay odayaasha dhaqanka Mudullood, si aan u dhicin shirka hadda qabad-qaabadiisa socoto.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.