Shirka DF iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmayo

Shirka Dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah in uu ka furmo magaalada Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Shirka DF iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka dowladda iyo Dowlad goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan doorashooyinka ayaa la filayaa in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka si rasmi ah u furi doono, waxaana khudbad ka jeedin doono shanta Madaxweyne ee maamulada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saari doono arrimaha doorashada.

Shirkaan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacay sababo la xiriiro khilaaf hoosaadyo ka dhex jiray dowladda iyo dowlad goboleedyada qaar, waxaana hadda muuqato in xal hor u dhac ah laga gaaray xalinta arrimahaas.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa xalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo safaro gaaban ku kala bixiyay magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.