NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Shir loogu magac daray Iskaashiga Galmudug iyo Puntland ayaa ka furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
GAALKACYO, Soomaaliya - Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka furmay shir loogu magac daray Shirka Iskaashiga Galmudug iyo Puntland kaasoo ay yeelanayaan madaxda ugu sarreysa labada dowlad goboleed ee Galmudug iyo Puntland.
Shirka oo ka furmay saacado ka hor magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweyna yaasha Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa kalo oo ka qeyb galaya xubno ka tirsan golaha wasiirada labada dowlad goboleed iyo sidoo kale Xubno ka tirsan labda gole ee Baarlamanka JFS Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
Shirka waxaa aad looga halay sidii la isaga kaashan lahaa Amniga, waxaana bilihii u dambeeyay sii xumaanayay amniga magaalada Gaalkacyo, iyadoo toddobaad kahor lagu dilay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ka howl gala Galmudug.
Shirka waxaa la isku af gartay qodobadan hoos ku qoran:
Madaxda labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayaa iyaga laftooda ku kala aragti duwan hannaanka doorashooyinka dalka, iyagoo lakala safan labada garab ee aragtida isku haya, balse lama oga waxa uu noqon doono heshiiska ay ku gaareen gaalkacyo kaasoo ay ku doonayaan in ay isku soo dhaweeyaan garabyada isku haya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments