Shirka madaxda Soomaaliya oo dib u furmay

Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa goor dhow dib uga bilowday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Shirka madaxda Soomaaliya oo dib u furmay

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa mar kale shirkii wadatashiga uga billowday Caasimadda dalka, gaar ahaan Xarunta Xalane.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Rooble, Madaxweynayaasha Maamullada, Siciid Deni, Axmed Qoor-qoor, Cali Guudlaawe, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyo Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, ayaa dhamaantood ku sugan Teendhada Afisyooni.

Shirkaan oo aan rasmi ahayn, ayaa looga hadlayaa ajanaha Shir madaxeedka, Wakiillada Beesha Caalamka soo qabanqaabisay ee la filayo in lagu saxiixo hannaanka doorashooyinka, si dalku u aado, doorasho la isla oggolyahay.

Shirkaan oo qorshuhu ahaa inuu furmo Talaadadii ayaa dib u dhacay kadib markii Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor, uu safar deg deg ah ugu baxay Dhuusamreeb Isniintii.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.