Shirka Wadatashiga oo maanta ka furmaya teendhada Afisyooni

Shirka Wadatashiga Qaran, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo aaddan ka biilawdo magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in Maamulka Hirshabeelle qaadacay ka qeyb galka wada hadallada.

Warar Keydmedia Online
Shirka Wadatashiga oo maanta ka furmaya teendhada Afisyooni

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Wadatashiga Qaran, ayaa la filayaa inuu maanta ka billowdo magaalada Muqdisho, waxanaa diiradda lagu saarayaa qodobadii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May, iyo qodobbo kale oo la xariira degaan doorashooyinka iyo yareynta ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Marka laga yimaado Cali Guudlaawe, oo maamulkiisu qaadacay Shirka, kana maqan dalka, dhamaan Madaxda kale ayaa goobjoog ah, Af-hayeenka Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Mucalimuu, ayaana warbaahinta u sheegay in shirku maanta ka furmayo tendhada Afisyooni.

U jeedka shirka oo ah dardar gelinta doorashada, ayaa la filayaa in Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha iyo hannaanka ay u dajiyeen doorashada.

Shirkaan waxaa lagu magacaabi doonaa Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaas oo degmada Garbahaarey u tagaya xallinta arrinta gobolka Gedo, waxaana ku dhawaaqi doona Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta, sida ku cad heshiiskii 27-Kii May.

Jadwal cusub oo doorasho ayaa la sameyn doonaa maadaama uu fashilmay jadwalkii hore, waxaana mudnaan gooni ah la siin doonaa wixii cabasho jira, halka sidoo kale, kulanka la isaga wareysan doono arrimaha HirShabeell, gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Waxaa Shirka qeybihiisa danbe ka qeyb geli doona Guddiyada doorashada ee la magacaabay, waxaana sidoo kale la gorfeyn doonaa arrimaha amniga goobaha ay ka dhacaan doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.