Shirka London oo Daqiiqado ka hor u Furmay maxaay tahay Ujeedadu?

London (KON) - R/wasaaraha Britian David Cameron ayaa Daqiiqado ka hor si Rasmi ah u furay Shirka London oo looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Shirka London oo Daqiiqado ka hor u Furmay maxaay tahay Ujeedadu?

R/Wasaare David Cameron ayaa Beesha Caalamka ugu Baaqay in Dhaqaalaha laga Taageero Dawladda Soomaaliya si ay Dalkeeda ugu Sameyso Dib u Dhis. Dawladda Ingiriiska ay ka go’antahay in ay Taageerto Soomaaliya, waana hubnaa in ay Soomaaliya Guuleysandoonto ayuu yiri Devid Cameron.

M/weynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Hadalka qaatay ayaa wuxuu uga Mahadceliyay Dowladda Ingiriiska Qabanqaabadaan Shirkan Baaxada weyn ee ah mid Iskaashi Soomaaliya iyo Caalamka.

Shirku waa furmay oo garanay ee waxaa Isweydiin mudan, maxuu yahayAjenddaha Dawladda INGIRIISKA u Qarsoon? Maxaay tahay Digniinta la rabo in loo jeedinayo 50ka Dawlaaddod ee Dawladda Ingiriisku fadhiga Shirka ugu yeertay? Ameey tahay ISBAARO INGIRIIS, oo micnaheedu yahay Kheyraadka Dalka Soomaaliya UK ha looga Dambeeyo?.Taasi waa Aragtida Keydmedia ee idinka maxaay idinlatahay?.

Keydmedia.Net