Shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya London

Muqdisho (KON) Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay dowladda Uk, kaasi oo ay ka qeybgalayaan dowladdo kala duwan oo caalamka ka tirsan.
Warar Keydmedia Online
Shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya London

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada London ee dalka Uk, halkaasi oo shirka ay uga qeybgalayaan isaga iyo madaxda kale ee dowladiisa ka tirsan.

Shirkaan ayaa waxaa wada guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha dalka Uk David Cameron, waxaana ujeedkiisa ugu weyn ay tahay sidii Soomaaliya arimo dhowr ah looga taageeri lahaa.

Waxaa ka qeybgalaya ku dhawaad 50-dowladood wakiilo ka kala socda kuwaasi oo tagaya xarunta shirka maanta uu ka furmayo ee London.

Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Nabil Al-Carab iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyaga oo ka qeybgalaya shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho