Shirkii Afisyooni oo lasoo gabagabeeyay

Madaxda ayaa la filayaa inay berri isagu yimaadaan shir kale oo albaabada u xiran.

Warar Keydmedia Online
Shirkii Afisyooni oo lasoo gabagabeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii Afisyooni ee u dhaxeeyay Farmaajo iyo Madaxda Maamullada, ayaa lasoo gabagabeeyay galabta iyadoo aan laga soo saarin war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay.

Shirkan oo ahaa mid hordhac ah, oo looga doodayo ajendaha kulanka wadatashiga arrimaha doorashadda ayaa waxaa isku arkay Farmaajo iyo labada hogaamiye ee Puntland iyo Jubbaland Deni iyo Axmed Madoobe.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa sheegtay in berri madaxda ay yeelan doonaan kulan kale, oo gogol-xaar u ah shirka ay Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka hanaanka doorashadda.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka caga-jiidayo heshiiska khilaafka doorashadda, isagoo dhigay dhowr shirqoollo oo ku fashilinayo wadahadallada dowladda mudo-xileedkeedu dhamaaday iyo Maamul Goboleedyada.

AMISOM ayaa la wareegtay amaanka Afisyooni, iyadoo ilaalada Madaxda loo diiday inay gudaha galaan, maadaama laga cabsi qabo inay isku dhacaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 December 2021 7:34

Nabaddoon Cali Jeesto, ayaa sheegay in xitaa loo diiday inuu u safro Dhuusamareeb, lana hor istaagay socdaalkiisa xilli uu doonayay inuu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.