Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Guddiga Farsamada ee Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
BAYDHABO, Soomaaliya - Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay Magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 ayaa soo dhammaaday.
Guddigu wuxuu shegay inuu si gaar ah diiradda u saaray dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbo ay ka mid yihiin;
Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka
Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.
Xaaladda Gobolka Gedo.
Adkaynta Qoondada Haweenka.
Jadwalka qabsoomidda doorashada.
“Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan”. Ayaa lagu yiri war murtiyeed ka soo baxay guddiga.
Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Fadaraalka iyo kuwa Maamul Goboledyada in ay shir deg deg ah shir isgu yimaaddaan maalinta birri ah oo ku beegan 18 Febaraayo, 2021, hayeeshee ma aysan carabaabin goobta uu ka dhacayo shirku.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments