Shirkii is afgaradka ahaa oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Shirkii is af-garadka ahaa ee ka socday Teendhada Afisiyooni ayaa soo dhammaaday natiijo la'aan iyadoo dhinac kastaba dhinaca kale uu ku eedeeyay fashilka!

Warar Keydmedia Online
Shirkii is afgaradka ahaa oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo gabagaboobay shirkii hordhaca ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka, dowlad goboledyada iyo gobolka Benaadir, isagoo ku soo gabagaboobay natiijo la'aan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlayay kaddib kulanka oo soo gabagaboobay ayuu eedda dusha ka saaray labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland.

Dubbe ayaa yiri "Waxa hadda soo gebegaboobay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo illaa bishii hore ee March dhammaadkeedii lagu dedaalayey in lagu qanciyo madaxda Puntland iyo Jubaland qabsoomidda doorashada. Haddaba Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo"

Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa u adeegsaday labada madaxweyne ee Puntland erayo culus kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay yihiin jid iyo jiha diid, waxa uuna sii raaciyay hadalkiisa "Waa wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.