Shirkii iskaashiga Amniga ee DG oo Gaalkacyo ka dhacay

Shirkii iskaashiga amniga ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Shirkii iskaashiga Amniga ee DG oo Gaalkacyo ka dhacay

GAALKACYO, Soomaaliya - Shirkii iskaashiga amniga Dawladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Galmudug iyo Puntland ayaa maantay ka dhacay caasimadda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Shirkani waxaa shir guddoominayey wasiirada Amniga labada maamul ee kala ah Axmed Macallin Fiqi iyo C/samad Maxamed Galan, waxaana ka soo qeybgalay wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Labada Guddoomiye heer Gobol, labada Guddoomiye heer degmada Gaalkacyo, taliyaasha laamaha amniga ee Booliska, Nabadsugidda, Daraawiishta iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug iyo Garsoorkeeda.

Shirka ayaa lagu qiimeeyey xaaladda amni ee gobolka Mudug, dhaqdhaqaaqyada kooxaha dagaalka ku haya labada maamul iyo adkaynta nabadda magaalooyinka iyo deegaanada miyiga ah.

Gabagabadii shirka waxaa la isku raacay;

  • in argagixisada Shabaab ee ku soo durkaysa deegaanno ka tirsan Koofurta Mudug gaar ahaan aagga Bacaadweyne in hawlgallo ciidan oo wadajir ah oo argagixisada deegaanadaas looga sifayno la qaado, DG Puntlad-na ay gacan laxaad leh ka geysato hawlgalkaas, waxaana hoosta laga xariiqay in amniga labada maamul uu isku xiran yahay, hey’adaha amniga ay dhinac walba iska kaashadaan dhinac walba iyo goob kasta oo cadwogu ku sugan yahay.
  • In dhacdooyin dilal ah oo bilihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno dhowr ah sida ugu dhaqdiyaha badan lagu xalliyo ayna maamuladu fududeeyaan kaalinta uga aaddan xalka dhacdooyinkaas.

Ugu danbayn; magaalada Gaalkacyo waxaa shirku hoosta ka xariiqay in amnigeeda la adkeeyo, hay’adaha amniguna ay laba jibaaraan wada shaqaynta iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].