Shirkii Madasha Aragti wadaagga oo Garowe ka furmaya

Shirkii Madasha Aragi wadaagga Soomaaliya ee ay qaban jirtay sanad kasta Machadka cilmi baarista ee Heritage ayaa ka furmaya maanta magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland

Warar Keydmedia Online
Shirkii Madasha Aragti wadaagga oo Garowe ka furmaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa ka fumaya shirweyne socon doono muddo saddex cisho ah kaasoo ay soo qaban-qaabisay machadka cilmi baarista iyo siyaasadda ee Heritage.

Shirka Madasha aragti wadaagga waxaa sanadkan diirada lagu saarayaa sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada daba-dheeraatay?, si dalka uu u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Waxaa ka qeyb galaya mas'uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka, madxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021, ururrada bulshada rayidka iyo aqoon yahano soomaaliyeed oo lagu casuumay.

Guddoomiya yaasha Baarlamanka JFS labadiisa gole, kan Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare iyo RW ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa ku matalaya shirka Dowladda Soomaaliya, sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada badankood ayaa gaaray Garowe iyagoo ka qeyb galaya shirkan oo loo arko inuu muhiim yahay, kuna soo aaday xilli xasaasi ah oo ay doorashadii dalka dhawdahay.

Shirka intuusan billaaban waxaa ka socday magaalaa Garowe shirar gaara oo ay yeelanayeen wufuudda ka qeyb galaysa shirka, iyadoo madaxda dowlad goboleedyada iyo qaar kamida xisbiyada mucaaradka islamarkaana sameystay gole ay ku mideysan yihiin musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ay yeelanayeen shirar hoose kuwaasoo ay uga arrinsanayaan arrimaha doorashooyinka dalka oo waqtigoodu dhaw yahay.

Madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo inta badan wuu ka war-wareegsadaa ka qeyb galka shirarka gudaha dalka ka dhaca ee ay isku arkayaan hoggaanka dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada, haddii uu ka qeyb galana wuxuu ballaan qaadaa isku soo dhawaashiyo isaga iyo madaxda is diidan, taa baddalkeeda wuxuu ku dadaalaa ka qeyb galka shirarka dalka dibaddiisa ah, taasoo uu sheegay xilligii Ololaha musharaxnimada uu ku jiray in wasiirka arrimaha dibadda uu u dhaafi doono arrimaha la xiriira dibadda iyo duulimaadyadaba.

Shirkan oo waxyaabaha looga hadlayo ay kamid tahay arrinta doorasho qof iyo cod ah ayaa waxay kamid tahay waxyaabaha ay ku fashilantay dowladda Farmaajo in ay dalka gaarsiiso, taasoo sidii horay loo sheegay la qorsheeyay in afarta sano ee soo socota la doonayo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, iyo sidoo kale in la dhammeystiro dastuurka qabyada ah, midkoodna ma aysan ku guuleysan dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo in ay wax ka qabato.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.