Shirkii Musharaxiinta iyo RW Rooble oo lagu kala tagay natiijo la’aan

Shirkii usocday Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta ah Rooble ayaa lagu kala tagay kaddib markii la isku af-garan waayay

Warar Keydmedia Online
Shirkii Musharaxiinta iyo RW Rooble oo lagu kala tagay natiijo la’aan

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa gabi ahaanba lagu kala dareeray shirkii magaalada muqdisho uga socday Golaha midowga musharaxiinta iyo RW Rooble, iyadoo sida la sheegay la isku mari waayay qodob kamida qodobadii hore ee is af-garadka laga gaaray balse ay dib uga laabteen madaxweynaha iyo RW Rooble oo si hoose uwada xiriirayay.

Qodobka ugu adag ee keenay in la ismari waayo ugu dambeyntiina lagu kala dareero ayaa ah in Midowga Musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan ka qeyb galka hannaanka doorashooyinka dalka, balse uu diiday RW Rooble qodobkaas oo uu ku sheegay in haddii lagu daro ay la micno tahay in wax laga badalo heshiiskii 17 -ka Septembar, waxa uuna sheegay wax kabadalkiisa in uusan xaq u laheen, maadaama uu dhinacyo badan khuseeyo.

"Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa." ayuu yiri RW Rooble

Hayeeshee Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u hadlayay golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha ayaa ku eedeeyay in RW hoosta looga soo dirayo farriimo u muuqday in loo diidan yahay inuu kaligii gaaro go'aanno wuxuuna yiri "Shirka waxaa fashiliyay dadka farriimaha u soo dirayay Rooble oo ah mid aan aqoon awooddisa dastuuriga ah".

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.