Shirkii Wadatashiga oo soo gabagaboobay (War-murtiyeed)

Waxaa goordhweyd War murtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka socday muddo labo maalmood ah.

Warar Keydmedia Online
Shirkii Wadatashiga oo soo gabagaboobay (War-murtiyeed)

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa soo gabagaboobay shir muddo labo maalin ah teendhada Afisyooni uga socday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayasha Maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ay ku cadyihiin heshiisyada todobo habraac oo kala ah;

  1. Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
  2. Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
  3. Habraaca Xulista Ergada Doorashada
  4. Habraaca Amniga Doorashada
  5. Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
  6. Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
  7. Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran

Labada habraac ee ugu adag ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin, Xulista Ergada Doorashada iyo doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi, kuwaas oo udub dhaxaad u ahaa guud ahaan shirka wadatahsiga.

Tirada ergada dooraneysa xildhibannada Golaha Shacabka, ayaan waxba laga badalin, halka awoodda koobaad la siiyay, Guddiga doorashada Dowlad Goboleedyada ee SEIT sidii 2016, halka Guddiga  FEIT awood ahaan hoos loo dhigay, odayaasha dhaqanka, iyo ururrada bulshada ayaaa miisaan weyn ku leh habraacaan.

Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaa la isku afgartay in Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Mahdi guuleed, isla soo xulaan liiska musharixiinta Aqalka sare.

Habraaca Amniga doorashooyinka, waxaa masuul looga dhigay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda iyo Taliyayaasha Boliska heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Hoos ka aqriso war murtiyaadka oo dhameystiran

Commenting is not available in this channel entry.