Dib u dhac ku yimid Shirkii wadatashiga Qaranka

Shirkii hordhaca ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Fadaraalka ee waqtigu ka dhamaaday iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, ee maanta loo ballansanaa ayaa dib u dhacay.

Warar Keydmedia Online
Dib u dhac ku yimid Shirkii wadatashiga Qaranka

MUQDISHO, Soomaaliya -  War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu dib u dhacay shirkii aan rasmiga ahyan ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Fadaraalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ee maanta loo ballansanaa inuu mar labaad ka billowdo teendhada Afisyooni.

Shirkii madaxda Qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee lagu waday maanta inuu qabsoomo ayaa dib loo dhigay.”  Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Sababta ka danbeysa baaqashada shirka ayaa lagu sheegay safarka Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye ‘Qoor-qoor’, uu ugu ambabaxay shalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Warka ka soo baxay Dowladda waxaa lagu sheegay in shirka uu furmi doono birri oo Arbaco ah, marka uu magaalada Muqdisho dib ugu soo laabto Madaxweyne Qoor-qoor.

“Shirka ayaa dib loogu dhigay sabab la xiriirta madaxweynaha Galmudug oo safar degdeg ah ugu baxay Galmudug,waxaana madaxda la filayaa in ay shirka isugu laaban doonaan maalinta berri ah oo 7-da bisha ku beegan”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa maanta la filayaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdosho kadib wax ka yar 20 saacadood uu ku sugnaa Dhusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.