Shirkii Mahiga iyo Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan oo maanta furmaya

NAIROBI(KEYDMEDIA)Waxaa maanta ka furmaya magaalada Nairobi ee caasimada Kenya shirkii marin habaabinta Soomaaliya ee ay soo wada agaasimeen ergeyga QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo hogaamiye kooxeedka Casrigan Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Warar Keydmedia Online
Shirkii Mahiga iyo Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan oo maanta furmaya

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya shaqsiyaad ku caanbaxay lug-gooyada soomaaliya iyo waliba kuwa kale oo la qaladay waxaana ugu cad cad kooxaha lug-gooyada ku caan  baxay ee shirka ka qeyb galay hogaamiye kooxeed shariif Xasan iyo ilaaladiisa iyo waliba hogaamiye kooxeedka gobalada Bari iyo Nugaal C.raxmaan Faroole.

Waxaa shirkan ka biya diiday kolkii ay dareemeen dhibaatada ka soo fool leh madaxweynaha dowlada KMG ah Shariif Shiikh Axmed iyo waliba xukuumadda uu hogaamiyo R,wasaare Farmaajo.

WWW.KEYDMEDIA.NET