Shuruudaha Xildhibaan lagu noqonaya oo la adkeeyay

Soomaaliya waxay dib ugu laabatay hanaankii awood qeybsiga qabiilka ee 4.5 kadib markii Farmaajo uu ku fashilmay balanqaadkii uu doorashadda kusoo galay 2017.

Warar Keydmedia Online
Shuruudaha Xildhibaan lagu noqonaya oo la adkeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay sanadkan la adkeeyay shuruudaha loogu tartamayo kursiga Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la labo-jibaarey lacagta diiwaangelinta Musharixiinta u tartamaya Xildhibaan Gollaha Shacabka ama Aqalka Sare [Senate].

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. In da’diisu ka yarayn 25 sano
4. In aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti sano ee ugu danbeysay.
5. In uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.
b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.
c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Doorashadii 2016-2017, Musharaxa kursiga Aqalka Hoose waxaa laga qaadey lacag diiwaan gelin oo $5,000, halkan sanadkan $10,000 laga dhigay, sidoo kale Senator qofkii u tartamaya waxay ahayd $10,000, haddana waxay noqotay $20,000.

Xildhibaanada Aqalka Hoose ama Gollaha Shacabka oo 275 ah waxaa dooranaya ergo 101 oo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka, iyadoo xubnaha Aqalka Sare 54 ay soo dooranayaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada.

Doorashadda waxay billaabanaysaa 1-da December 2020, waxayna socon doontaa illaa 8-da February 2021, sida ku xusan jadwalka cusub ee lasoo saarey, kaasoo shuruudaha ku qoran fulintooda laga cabsi qabo inay adkaato.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.