Shuruudaha laga rabo qofka noqonaya xubin Aqalka Sare

Waxa la soo saaray shuruudaha ay lama gudbaanka tahay inuu la yimaado tartame kasta oo ka tirsan musharixiinta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2021.

Warar Keydmedia Online
Shuruudaha laga rabo qofka noqonaya xubin Aqalka Sare

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ku cad qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal, todobo shuruudood ayaa lagama maarmaan ah inuu buuxiyo musharax kasta oo u hanqal taagaya xubin ka noqoshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shuruudaha Musharaxa Aqalka sare ee Baarlamaanka.

  • In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya
  • In Dhimirkiisu dhan yahay
  • In da’diisu aysan ka yarayn 25 sano
  • In Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) nano ee ugu danbeysay.
  • Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  • In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn kooxa argagixisada ah.
  • In uu haysto waraaqda dembi la’aata ee hey’adda dembi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federal.

Marka laga yimaado qodobadaas, musharax kasta waxaa waajib ku ah bixinta lacagta diiwaan galinta, taas oo cadadkeedu dhan yahay $20,000, (Ragga) iyo $10,000, (Haweenka).

Lacgta is diiwaan galinta oo aan celis lahayn, waxaa lagu shubayaa labo akoon oo guddigu leeyahay, sida ku cad, waraaq ka soo baxday xaafiiska xisaabiyaha guud ee Dowladda Federaalka Faadumo Cismaaan Faarax.

Madaxweynayaasha Maamullada ayaa Guddiga Doorashooyinka u gudbi doona musharixiinta isa soo sharaxday, hubin kadib, waxaa loo sii gudbin doonaa Guddoonka Baarlamaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si ay u qabtaan hannaanka codeynta Musharixiinta.

Musharax kasta oo u baratamaya xubin ka noqoshada Aqalka Sare, wuxuu xaq u yeelan doonaa 10 daqiiqo oo hadal jeedin ah, ka hor codeynta, natiijada ka soo baxda doorashooyinka, waxaa loo gudbin doona guddiga doorshooyinka, ka hor inta aan la dhaarin xubnaha soo baxay.

Sida ku cad habrac ay hore u soo saareen GDHF, kaliya labo maalin ayaa ka dhiman xilliga loo qorsheeyay in Madaxweynaha Maamullada ay guddiga u gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare, halka 25-ka ilaa 28-ka la qabanayo doorashada Golaha oo ka kala dhaceysa shanta Maamul iyo Gobolka Banaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.