Siciid Deni oo raalli galiyay Axmed Qoor-qoor

Madaxweynayaasha Maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa xalay ku kulmay magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Siciid Deni oo raalli galiyay Axmed Qoor-qoor

MUQDISHO, Soomaaliya – Kulan ay qabsoomiddiisa ka soo shaqeeyeen Xildhibaanno ka soo kala jeeda Mamullada Galmudug iyo Puntland ayay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen hoggaamiyayaasha labada maamul.

U jeedka kulanka wuxuu ahaa, xallinta mad-madow soo kala dhex kalay, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, iyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor ayaa ka xumaaday, haldal uu Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ka jeediyay Garowe, kaas oo ahaa in Farmaajo uu Qoor-qoor ku amray inuu tago Dhuusamareeb si uu halkaas uga soo galo Zoom.

Siciid Deni, ayaa arrintaas uga hoyday Qoor-qoor, waxuuna kulanku ku soo dhamaaday is af-garad ay labada Madaxweyne ka heshiiyeen, wixii dhexdooda ahaa.

Labada Maamul minda kama hadlin kulankaan, waxaase la rajeynayaa in kulamadoodu soo laalaabtaan, maalmaha soo socda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.