Sicir-barar dhanka Maciishadda ah oo ka tagaan Somaliland

Mas'uuliyiinta Wasaarada Ganacsiga Somaliland oo sicir-bararkan wax laga weydiiyey, ayaa ku tilmaamay mid caalami ah oo iyaga ku koobnayn, waxayna intaasi ku dareen in si deg deg ah ay wax uga qaban doonaan, laakiin ilaa iyo iminka, ma muuqato wax tallaabo ah oo ay qaadeen.

Warar Keydmedia Online
Sicir-barar dhanka Maciishadda ah oo ka tagaan Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Waxaa xilligan sicir-barar aad u daran laga dareemayaa seyladaha ganacsiga degaannada Somaliland, iyadoo uu kordhay qiimaha la iibiniyo raashinka quutul daruuriga ah iyo Qudaarta.

Badeecadaha nolosha muhiimka u ah, sida Burka, Bariiska, Baastada, Saliidda iyo Sonkorta oo dibadda laga soo dhoofiyo, ayaa waxaa ku siyaaday qiimo lacageed oo laba jibaar ah.

Sicir-bararka oo ah mid jiray bilihii ugu danbeeyey ayaa walaac badan ku abuuray bulshada qeybaha daqabadda hoose iyo dhexe ku nool, iyadoo qiimaha loorka/kiishka Sonkorta ah, oo la iibin jiray $25 dollar, uu maanta yahay $32 dollar, halka loorka Burka ahna uu joogo $31 dollar, isagoo markii hore ahaa $22 dollar, sida KON u sheegeen qaar kamida suuqleyda.

Waxaa sidoo kale sara u kacay qiimaha Caaga Saliida, ee lagu iibin jiray 19 dollar, kaasoo iminka maraya $30 dollar, waxaa qiimo labo jibaar ah ku darsoomey Baastadda iyo Bariiska.

Dhibaatooyinkaasi la xiriira dhanka sicir-bararka maciishadda, ayaa noqday kuwa cariiri galiyey nolosha qoysaska dan-yarta ah ee ku nool degaannada Somaliland, waxaana ay dalbanayaan in mas'uuliyiinta ay kaalin ka gaystaan sidii lagu dhimi lahaa qiimaha kordhay, ee maalin walba cirka isku sii shareeraraya.

Bulshadda Somaliland ku nool ayaa tilmaamaya in qoyskii awal biilan jiray $150 dollar, aysan maanta ku filneyn $200 dollar, taasoo sababtay in inta badan ay dabka shitaan hal waqti, oo ka mid ah 3-da xilli, ee sida caadiga dadku raashinka u cunnaan.

Mas'uuliyiinta Wasaarada Ganacsiga Somaliland oo sicir-bararkan wax laga weydiiyey, ayaa ku tilmaamay mid caalami ah oo iyaga ku koobnayn, waxayna intaasi ku dareen in si deg deg ah ay wax uga qaban doonaan, laakiin ilaa iyo iminka, ma muuqato wax tallaabo ah oo ay qaadeen.

Dadka bartay cilmiga dhaqaalaha, ayaa sicir-bararka ku soo noq-noqda Soomaalida ku macneynayay ku tiirsanaanta badeecadaha laga keeno dibadda iyo wax soo saar la'aanta ka jirta dalka, taasoo kalifeysa in ganacsatada waaweyn ay hadba qiimihii ay doonaan ku soo dajiyaan badeecadaha dunida ugu yimaada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.