Sicir barar xoog leh oo ka jira Muqdisho [Maxaa sababay]

Halka xabo ee Mooska waxa uu gaarey 3 illaa 5 kun oo Sh.So, iyadoo Badeecooyika dibadda laga soo dhooyo ay noqdeen kuwa qaali ah.

Warar Keydmedia Online
Sicir barar xoog leh oo ka jira Muqdisho [Maxaa sababay]

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxa beryahanba Muqdisho iyo guud ahaan dalka saameeyay sicir barar kolba kolka ka dambeysa sii kordhayey, kaasoo laga dareemayo Suuqyada lagu iibiyo Raashiinka iyo Qudaarta.

Sare u kac ayaa ku yimid maciishadaha kala duwan, kuwa dibadda laga soo dhoofiyo iyo kuwa dalka ka baxa, waxaana labo-jibaarmay shey walba qiimihii uu joogay, iyadoo arintan culey ku keentay qoysaska danyarta ah, ee ku noolaa maalintii wax ka yar $2.

Halka xabo ee Mooska/Muuska oo horey qiimihiisa u ahaa 1,000 Sh.So illaa 2,000 Sh. So. wuxuu maanta marayaa 5,000 Sh. So., iyadoo halka xabo ee Xanjada uu yahay hadda 1,000 Sh. So, waxaaan horey u ahaa box-ka oo dhan oo 5 xabo ku jirta 2,000 Sh.So.

Rashiinka sida Sonkorta, Burka, Bariiska, Baastada iyo Saliida waxay noqdeen kuwa qaali ah, oo bil walba lacag lagu sii kordhinayo, waxaana xaaladda ay keentay in qoysas badan uu debkooda demo, maadaama aysan iibsan karin.

Ma jirto bad-xiran, laakiin waxaa loo sababeynayaa arrimaha siyaasadda, maadaama dalka galayo doorasho, oo waxwalba joogsaday, waxaana ganacsiga uu noqday mid ku xiran siyaasadda, iyadoo dowladda ku fashilantay inay wax ka qabato dhibaatada qoys walba saameysay.

Lacagtii dalka taalla baa qofwalba keysaday, lana sugayo inta doorashadda ka dhacayso, xiligaasi oo kuraasta la kala iibsanayo, dhaqaalaha la filayo inay wax iska bedelaan, maadaama laaluusha badan ay heli doonaan ergada iyo dadka kale ee ku lugta leh doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 October 2021 11:41

Ikraan uguma horeyso ugumna danbeyso dadka ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, waxaa jira Saraakiil kale oo badan oo NISA ka tirsanaa, kuwaas oo illaa hadda nolol iyo geeri lagu la'yahay.