Sidee Al-Shabaab ku heshay dhaqaalaha xoogga leh?

Kooxda ayaa abuurtay illo dhaqaale oo badan, iyadoo ay kordhisay meelaha ay Canshuurta ka qaado, oo ku ballaarisay degmooyinka dowladda xukunto.

Warar Keydmedia Online
Sidee Al-Shabaab ku heshay dhaqaalaha xoogga leh?

KEYDMEDIA - Qubarada amniga ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay sameysatay nidaam canshuur oo ka awood badan midka dowladda, taasoo ka dhigaysa Kooxda leh quwad dhaqaale.

Kooxdan oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirtay dowladda ayaa bedeshay istaraajiiyadeedii hore, waxayna billowday inay qaado canshuur goob kasta oo katirsan Soomaaliya, ha ahaato degaanada ay maamusho iyo kuwa dowladda gacanta ugu jira.

Sanadkii 2019, Al-Shabaab ayaa heshay lacag Canshuur ah oo gaareysa $21 milyan oo dollar, waxayna lacagtaas sameynaysay korar labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo ku ballaarisay Canshuurta dekadda Muqdisho iyo dhulka lagala iibsato ee ku yaalla isla Caasimadda.

Tusaale ahaan, hadii aad iibsato Boos qiimihiisu gaaraya $10,000, waxaana siinaysaa Al-Shabaab $1,000, taasoo u dhiganta kunkii dollar in lagaa qaado boqol dollar, waxaana u fududeynaya inay kula soo xiriiraan dalaalka guriga kaa iibiyay, oo la shaqeeya si qasab ah.

Bangiyadda ku yaalla Muqdisho ayay Al-Shabaab ku leedahay akoonno lacagta loogu shubo, iyadoo ay isticmaasho taleefoonada Shirkadaha Isgaarsiinta gudaha, oo aan ka baqeynin nidaam dowladeed oo dalka ka jira.

Badeecadaha kasoo dega Dekadda sidoo kale Al-Shabaab canshuur ayay ka qaadaa, iyadoo Goobaha Ganacsiga Muqdisho iyo meelaha kale sanad kasta ay bixiyaan Canshuurta.

Al-Shabaab, oo ku biirtay Al-Qaacida 2012, waxaya ku bixisaa dhaqaalaha dagaalka, iyadoo ku iibsata hub iyo walxaha qarxa, waxaana usii dheer dhanka sirdoonka oo dhaqaale uga baxa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.