Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen. 

Warar Keydmedia Online
Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Habeenkii Khamiista, 18-kii Feb dagaal culus ayaa xili saqdii dhexe mar uun si kedis ah uga billowday nawaaxiga Daljirka Dahsoon, ee magaaladda Muqdisho oo Jimcihii la filayay inuu banaanbax ka dhaco.

Dad badana ayaa wali is waydiinaya waxa sababay dagaalka iyo sida wax u dhaceen. Macluumaad hoose oo KON ay heshay ayaa sheegaya in rasaasta ay billaabatay kadib markii labo Gaari oo Cabdi-Bille ah, oo ay la socdeen askar ay u goosteen dhanka Ciidanka Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxay xiligaas uu dagaalka dhacayay ku sugnaayeen hotel Maida oo ku dhaw goobta loo qorsheeyay dibadbaxa ee taaladda Daljirka Dahsoon.

Ciidan badan iyo taliyeyaashooda ayaa kasoo baxay DANAB, iyagoo ku biiray garabka Sheekh Shariif, waxayna u muuqataa inay arinta salka la gashay qabiil taasoo laga digayo inay horseedo dagaal sokeeye oo ka dhaca Muqdisho.

Dagaalkii Muqdisho wuxuu yimid kadib markii dowladda is-hortaag ku sameysay dibadbaxa Musharixiinta, oo mudo maalmo ah iclaaminayay inay hogaaminayaan isku soo baxa ballaaran oo lagu diidan yahay inuu Farmaajo xafiiska sii joogo, isagoo waqtigiisa dhamaaday Feb 8.

Ilaa hadda lama ma cada hasaaraha dagaalka, balse Macluumaadka ay Keydmedia Online ka haleyso laamaha caafimaadka ayaa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen xabadeyntii shalay. 

Sidoo kale, Safaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay, sidoo kale hoobiyeyaal ay ku dhaceen Garoonka diyaaradaha, iyagoo la joojiyay duulimaadka.

Dhacdooyinkii Shalay & Habeen hore

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa hore u iclaamiyay bannaan-bax ballaaran oo qorshuhu ahaa inuu maanta ka dhaco taallada Daljirka Dahsoon ee Magalada Muqdisho.

 Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dagay Huteelka Maa’iddo  Ex Naasa-hablood oo u dhow taallada Daljirka oo ballantu ahayd in la isugu yimaado.

 Xalay fiidkii ciidamo uu hor kacayay Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad ‘Indhacadde’ ayaa la wareegay amniga Taallada Daljirka, Jananka oo warbaahinta la hadlay ayaana sheegay in dalka aysan ka jirin wax maamul Dowladeed ah.

Madaxweynaha ay muddadu ka dhamaatay ee Farmaajo ayaa xalay amray in la weeraryo Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed Huteel-ka ay ka dagan yihiin Muqdisho.

Guud ahaan Magaalada Muqdisho ayuu Rajiimka waqtigiisu dhamaaday ku soo daadiyay askar Fahad iyo Farmaajo ka amar qaata, waxaana dadka Shacbaka ah ku soo waabariisteen ciidan wata qoryo amaanku u furan yahay oo taagan jidadka iyo guryaha iriddooda.

Guud ahaan ciidamada Farmaajo soo diray waxa diideen isku socodka dadweynaha , mana jirto goob gancsi oo saaka la furay magaalada Muqdisho.

Madaxdii iyo Shacabkii uu qorshahoodu ahaa in ay aragtidooda ku soo bandhigaan Daljirka Dahsoon ayay saaka u suuroobi weysay, jidadka xirar awgood.

Qeyb ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame iyo dad shacab ah ayaa degmada Wadajir ka billaabay mudaharaad xooggan, kaas oo si dag-dag  ah isu qabsaday una xoogeystay.

Ciidamada uu soo abaabulay Farmaajo ayaa rasaas kala hor tagay Mudaharaadka waxayna khatar galiyeen nolosha Madaxdii iyo shacabkii ka qeyb galayay dibad-baxa.

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xaaladda cakiran ee uu galay dalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in loo ja joojiyo isku dhacyada ka socda Muqdisho kadib markii is hor istaag lagu sameeyay shacabkii bannaan-baxa ka dhigi lahaa Magaalada Muqdisho ee kasoo horjeeday dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

Musharixiinta Madaxweynaha ee Mucaaradka ah ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay dhiigya-cab, kali-talis ah ayna kula xisaabtami doonaan wixii uu sameeyay xalay ilaa sakay.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan iyo Shariif oo xalay ilaa maanta ku go’doonsanaa Huteel Maa’idda ayaa kadib salaaddi jimacaha ka soo baxay Hiteelka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ‘Rogane’ oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray go’aankii lagu baajiyay bannaan-bixii maanta, wuxuu Jeneraal Indhacadde ku eedeeyay in weeraray ciidamada dowladda, halka uusan soo hadal qaadin siyaasiyiinta uu heyb ahaan matalo ee dhibaatada xooggan loo geystay xalay iyo saaka.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa diidan in ay ka qeyb galaan shirka uu horay u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo kaasoo loo qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Madaxweyneyaasha labadaas maamul ayaan weli soo gaarin magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka uu ku baaqay Farmaajo, warar hoose oo ay heshay Keydmedia Online ayaa waxay sheegayaan in ay adagtahay in ay aqbalaan ka qeyb galka shirkaasi, waxayna ku xireen shuroodo hor leh ka qeyb galka shirkaasi.

Hoggaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegay inay dalbadeen in ay goobjoog ka noqdaan Wakiilada Beesha Caalamka shrika lagu saxiixayo heshiiskii lagu gaaray Baydhabo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.