Sidee ku gabbal-dhacsatay degmada Guriceel?

Waxa jira warar sheegaya in kooxda SUFA, laga yaabo in ay ka baxaan magaalada, dibna ugu laabtaan degaanka Huurshe oo kuufur ka xiga Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Sidee ku gabbal-dhacsatay degmada Guriceel?

GURICEEL, Soomaaliya – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo wajaheysa hubanti la’aan amni, ayaa ku gabbal-dhacsatay, xaalad cakiran iyo saan-saan dagaal oo xooggan, kadib markii maanta ay magaaladu qarka u fuushay inuu ka qarxo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Galmudug oo is kaashanaya iyo Ciidamada taabacsan ASWJ, ee gacan ku heynta magalada la wareegay billowgii bishaan.

48-dii saac ee la soo dhaafay, waxaa magaalada ka socday barakac xooggan, waxaana shacabka oo dan-yar u badan ay u qaxeen tuulooyinka oo dadkii hore u degenaa ay xilli hore ka guureen abaaro gobolka ka jira awgood.

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel, ayaa sheegaya in kala shaki xooggan uu ka dhex taagan yahay kooxda uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir, taas oo sababtay in gawaari ciidan iyo saraakiil degaanka caan ka ah, ay u baxsadaan dhan Dhuusamareeb, oo xarun u ah Galmudug.

Odayasha dhaqanka ee beesha Ceyr, ee deggan Guriceel, oo warbahinta la hadlay, waxa ay sheegeen, in hoggaamiyaha Kooxda ASWJ, Sheekh Shaakir, uu ka diiday inuu ka baxo degaanka, si loo bad-baadiyo magaalada.

Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, (Qoorqoor), uu masuul ka yahay Galmudug, isla-markaana ay doonayaan inuu qaado masuuliyadda amni ee Gurceel.

Waxa jira warar sheegaya in kooxda SUFA, laga yaabo in ay ka baxaan magaalada, dibna ugu laabtaan degaanka Huurshe oo koofur ka xiga Dhuusamareeb.

Dhanka kale, odayaal taabacsan SUFA, oo degaanka ka soo jeeda, intooda badanna ka mid ah kooxda, ayaa sheegay in ay Sheekha iyo kooxdiisa ku difaaci doonaan magaalada.

MD Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay inuu soo xiray albaabadii wadahadalka, isagoo ka doortay nabadda in qoriga caaradiisa kusoo celiyo magaalooyinkii dhawaan laga qabsaday.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galgaduud maanta u baahnayn dagaal, islamarkaana aysan dadkeeda xamilo karin xiligan burbur iyo barakac kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.