Sidee ku gabbel-dhacsaty degmada Guriceel?

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo saaka xilli hore ka soo muuqday halka loo yaqaan Jaamacadda oo maalmihii na-weydaartay ay ka dagaallamayeen ASWJ, ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii shacabku dib ugu soo laaban lahaa maagaalada.

Warar Keydmedia Online
Sidee ku gabbel-dhacsaty degmada Guriceel?

GURICEEL, Soomaaliya - Kadib 27 maalin oo hubanti la’aan amni ah, oo ay ku jiraan afar cisho oo dagaallo kharaar socdeen, ugu danbeyn magaalada ganacsiga ku wanaagsan ee Guriceel, ayaa caawa ka hoyaneysa kala danbeyn iyo gacanta maamulka degmada oo kooxda hubeysan ee Ahlu-sunna ka raacdeysay billowgii bishaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, ayaa saaka si buuxa ula wareegay magaalada, kadib markii wada-hadallo ay garwadeyn ka ahaayeen ganacsato degaanka ka soo jeedda ay suura-galiyeen, in ciidamada taabacsan hoggaanka ASWJ, ay ka baxaan degmada.

Dadka ku dhaqan degaanka Bohol, oo qiyaastii 30 Km waqooyi-galbeed ka xiga Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Ciidamada Ahlu-sunna, oo wata gadaadiidkooda dagaal, marka laga reebo labo gaari oo ay hore uga qabsadeen dowladda, xalana ku wareejiyeen guddiga wadahadallada qaabilsan, ay fariisimo ka sameysteen tuulada hore loogu dagaallamay dhamaadka bishii hore.

Guddoomiyaha degmada Anas Cabdi Macallin iyo Taliyaha booliska degmada Cismaan Cali Hudey, ayaa warbaahinta u sheegay, in howl-galka la soo gabagabeeyay isla-markaana dadku ku soo laabtaan magaalada, iyaga oo ku baaqay in shacabka dan-yarta ah lagu garab siiy dib u dajinta.

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, oo degaan doorashadiisu tahay Galgaduud, kana mid ah Xildhibaannada sida ay weyn kaga hor yimid damaca ay hoggaanka Ahlu-sunna ku doonayaan in ay qori caarradiis ku helaan xukunka, ayaa sheegay in ay hadda dadka reer Guriceel u taallo masuuliyad wayn oo ah in laga fogaado colaad danbe oo degaanka ka dhacda.

“Cid kasta oo dooneysa in ay qori caaraddi xukun ku gaaraan lagama aqbali doono mana loo dulqaadanayo kuwa doonaya in ay dhiiga Saraakiisha, Ciidamada qaranka iyo Dhallinyaradeena ku xaqiijiyaan ahdaaf iyo dano Siyaasadeed”. Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wuxuu xusay in Galmudug leedahay hay’ado sharci ah oo lagu heshiiyay, isla-markana ay lama huraan tahay in looga danbeeyo talada lagu maamulayo Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna reer Galmudug ugu baqay in ay ilaashadaan dowladnimada ayna ka shaqeeyaan horumarka degaankooda.

Sidoo kale, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo saaka xilli hore ka soo muuqday halka loo yaqaan Jaamacadda oo maalmihii na-weydaartay ay ka dagaallamayeen ASWJ, ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii shacabku dib ugu soo laaban lahaa maagaalada.

“Midnimada Galmudug waa muqaddas, lama aqbali karo koox burcad diimeed ah in degaan nabad ah inta xoog ku qabsadaan hadana ku gorgortamaan dhiiga dadkeenna iyo jiritaanka dowladnimada Galmudug”. Ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay barihiisa bulshada.

Sida ay KON, u sheegeen xubno ka tirsan howl-wadeennada Xaafiiska Qoorqoor, Wada-hadallada xalka lagu raadinayo, waxaa hoggaaminaya ganacsato degaanka ah, oo garab ka heliaya Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey).

Dagaalka Guriceel oo socday afartii maalin ee la soo dhaafay, ayaa sababay khasaare xooggan, waxaana ku naf-waayay in ka badan 30 qof oo dhinacyada dagaallamay u badan, halka dhaawucu intaas ka badan yahay.

Dadka ku geeyiyooday dagaalka waxaa ka mid ah, Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow [Feyfle] Taliyihii Ururka 6-aad, Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab.

Sidoo kale, AUN, Laba Xiddigle Aadan Ibraahim Aadan oo ahaa Taliyaha Horinta 3aad ee Ururkaas 5aad ee Gorgor, iyo AUN Taliyihii Ciidanka Haramcad Ee degaannada Galmudug Labo Xiddigle, Faarax Muumin iyo Allaha u naxariistee, Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabad-sugidda, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.