Sidee loo maareeyay arrintii siyaasiyiinta Soomaaliland?

Muran muddo badan taagnaa kadib waxaa maanta la saxiiyay heshiis laga gaaray khilaafkii arrintii siyaasiyiita Soomaaliland ee salka ku heyay sida loo qeybsanayo kuraasta guddiga doorashiiyinka reer Waqooyi.

Warar Keydmedia Online
Sidee loo maareeyay arrintii siyaasiyiinta Soomaaliland?

MUQDISHO, Soomaliya - Tan iyo markii uu bilowday Shir Madaxeedkii looga hadlayay xalka arrimha doorashooyinka ee muranku ka taagnaa, waxaa qodobkii ugu adkaa loo aqoonsaday khilaafkii ka dhex aloosnaa siyaasiyiinta Soomaaliland ee ay kala hoggaaminayaan guddomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeynka Xukuumadda xil-gaarsiinta Mahdi Guuleed.

Si guud muranka arrinta siyaasiyiinta reer Waqooyi, waxa ay ahayd mid ka mid ah labada arrin ee ugu adkaa is fahan-waagii soo taagnaa muddada dheer, waxaana ugu danbeyn maanta qalinka lagu duugay heshiis laga gaaray khilaafkii jiray.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa masuul ka ah habsami u socoda, doorashooyinka kuraasta Soomaaliland, isagoo talo galinaya Guddomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeynkiisa Mahdi Guuleed.

Waxaa lagu heshiiyay in Gudoomiye Cabdi Xaashi soo magacaabo afar xubnood oo ka mid ah guddiga maamulka doorashada ee kuraasta Soomaaliland ‘SEIT’ Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in Cabdi Xaashi soo magacaabo hal xubin oo ka mid ah guddiga maamulka doorashoyinka heer Fadaraal ee Soomaaliland ‘FEIT’ iyo hal xubin oo ah guddiga Khilaafaadka.

In kastoo, garabka Cabdi Xaashi, ka cagajideen heshiiskaan, hadana ugu danbeyn waa lagu qanciyay, waxayna qeyb ka yihiin martiga ku sugan xafladda lagu soo gabagabeynayo shirkii wadahaladda.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.