Kulamo Qarsoon oo ka socda Nairobi

Muqdisho (KON) - Wararka aanu ka helayno magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soconayaan kulamo kala duwan oo ay qaadanayaan Shakhsiyaad kasoo horjeeda Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Kulamo Qarsoon oo ka socda Nairobi

C/sataar Xasan Cali oo ka mid ah mas'uuliyinta ka shaqeya Safaarasa Soomaaliya ku leedahay Dalka Kenya ayaa sheegay inay ka war hayaan Xubno katirsanaa Ururkii Xisbul Islaam iyo siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dawlada inay shirar ku leeyihiin Magaalada Nairobi ujeedkoodana uu ku sheegay sidii loo hagar daameyn lahaa Xukuumada hadda jirta.

Waxa uu tibaaxay C/sataar in Xisbul Islam ay kulamo lagu doonayo Sidii lagu soo deyn lahaa Xasan Daahir Aweys ay halkaasi ka wadaan kuna tilmaamay shakhsiyaadkaasi kuwo argagaxiso maadama uu sheegay ay kol hore ku biireen Al shabaab sida uu hadalka u dhigay waxaana uu ku goodiyey inaysan waxba usoo kordhin doonin Safaaradaha la tagayo ee maalmahan xubnahaasi Nairobi ka wadaan.

Kulan ka dhacay Nairobi ayaa waxa la sheegay inay wada qaateen Siyaasiyiin kasoo horjeeda hanaanka ay ku shaqeyneyso Dawlada uu hogaamiyo Xasan shiikh iyo Xisbul Islam mas'uuliyiin ka tirsan uuna ka mid yahay Xoghayaha Arimaha dibada Ururkaasi Maxamed Macalin Xasan waxaana la sheegay inay xiriir la sameeyeen maamulada DF mucaaradka ku ah ee kala hogaamiyaan Axmed Madoobe iyo C/raxmaan Faroole waxaana warar hoose aan helayno sheegayaan in Shakhsiyaadka kulanka ku yeeshay Nairobi ay dhawaan tagi doonaan Magaalada Garowe si ay Maamulka Faroole ula kulmaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho