Siduu ku billowday muranka xuduud-badeedka? (Sooyaal)

Kadib sanado badan oo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ee kheyraadku ceegaago, ay ku jirtay muran xudooddeed, lagana hor taagnaa damaca waalan ee Kenya, ugu danbeyn, maamta ayaa la filayaa in loo dabbaal-dego guusha uu dadaalkeedu qaan-gaaray ee qaanku ka gaaray kiiska badda.

Warar Keydmedia Online
Siduu ku billowday muranka xuduud-badeedka? (Sooyaal)

MUQDISHO, Soomaaliya – Guud ahaan bulshada Soomaalida ayaa isku diyaarineysa, u dabbaal-degga guusha uu dalku ka gaaray dhiggiisa Kenya, ee ku aaddan, in Maxakamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ay muranka ka saartay badda Soomaaliya ee Kenya damacday in ay boobto 15 sano ka hor.

Rajada ayaa gaartay halk ugu sarreysa, kadib markii Dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin go’aanka la filayo inuu maanta ka soo baxo, (ICJ), waxaana la rumeysan yahay in horraanba badda Soomaaliya laga saaray muranka.

Hadaba, Siduu ku billowday muranka xuduud-badeedka?

Sannadkii 2000 saraakiil Kenyan ah ayaa helay xog ay soo saartay shirkadda saliidda ee [Norwegian Oil Firm], taas oo sahmin shiidaal Soomaalia ka  samaysay 1987 ku ogaatey in aagga xuduud-badeedka Soomaaliya la wadaagto Kenya uu ku jiro saliid iyo gaas dabiici ah, midka ugu badan oo dalka Africa ku yaalla laga helo.

Soomaaliya xilligaas waxay ku jirtay marxalad adag, oo dowlad la’aan ah, waxayna dhex-dabaalanaysay duruufo amni, abaaro, barakac iyo dagaal sababay in dad badan dalka ka cararaan.

Sannadkii 2005 Kenya ayaa wafdi u dirtay Baydhabo oo xiligaa xarun u ahayd dawladii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdullaahi Yuusuf, si ay uga dhaadhiciyaan in xudduud-badeedka labada dal wax laga baddalo, balse isku-daygaasi ayaa fashilmay kadib markii laga diiday.

Dawladdii C/llaahi Yuusuf ayaa diiday in wax wada-hadal ah uu kala furto Kenya xuduud-badeedka Soomaaliya, maadaama shaki la gelinayo madaxbanaanida dhuleed, badeed iyo cireed ee dalka iyo qaranimada.

Khilaafka ayaa si weyn usoo shaacbaxay 10kii Maarso 2009, markii Kenya sheegtay in ay leedahay 200 nautical miles oo cabbirka badda ah una dhiganta 116,000 KM², kaddibna ay qoraal hordhac ah u dirtay guddiga UN-ka ee xadaynta iyo qaabaynta xuduud-badeedka ee magaciisa loo soo gaabiyo CLCS.

Dhul-badeedka lagu muransan yahay oo ku yaalla badweynta Hindiya cabbirkiisu waa boqol kun oo Kiilo-Mitir, oo afar-jibbaaran [100 000 square kilometers], waxaana laga helay Gaas iyo Saliid [hydrocarbons].

Bishii April ee 2009, Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kala saxiixday Nairobi heshiis is-afgarad ah [MoU], waxaana xilligaasi dalka ka jirtay dowlad aan awood lahayn oo KMG ah oo Sheekh Shariif madax u yahay.

Wuxuu dhigayaa Heshiiska in dal walba si iskiisa ah ugu gudbin doono xogta dhul-badeedkiisa gudiga Qaramada Midoobey, iyadoo laga yaabo in mid walba xogtiisa ku darsaday dhulka muranka uu ka jiro.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxuu haatan socdaa 12 sano iyo lix bilood, marka laga xisaabiyo xilligii la saxiixay MoU, halka Todobo sano ay ka soo wareegtay xilligii maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda [ICJ] loo gudbiyay dacwada.

Kenya waxay doonaysaa in xudduudka laga cabiro dhanka bariga, oo ku began koonfur bari magaalada Kyunga, halka Soomaaliya ay dooneyso in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka.

Sanadkii 2010, Kenya waxay xaraashtay xirmooyin shiidaal oo ku jira aag badeedka lagu muransanyahay.

Xirmooyinka Kenya xaraashatay ayaa kala ah: L21, L22, L23 iyo L24, iyagoo ka iibisey shirkadaha shiidaalka ee Stat, ENI iyo Total, waxaana tallaabadaas u muuqatay mid lagu boobayo khayraadka wadanka Soomaaliya.

Muranka ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii Soomaaliya ay August 2014 dacwad Kenya ka dhan ah u gudbisay ICJ, kuna eedeysay Kenya ku xadgudub shuruucda caalamiga ah iyo xudduud badeedka Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya, ayaa sheegtay inay go’aankaas qaadatay kadib markii ay soo xirmeen dhammaan albaabadii kale ee wada-hadalka ee xalka looga gaari lahaa khilaafka, waxaana tani ka nixiysay Kenya, oo markii hore doonaysay si hoose kiiskan loo dhameeyo, meel ka baxsan Maxkamadda.

Kenya ayaa codsatay in ICJ ay dacwadda dib usoo celiso oo loo oggolaado labada dal inay ka wada-hadlaan khilaafka, laakiin maxkamadda ICJ ayaa Febuary 2017 joojisay codsigii Kenya, iyadoo ku qanacday dooddii Soomaaliya ee ahayd in sharciga iyo maxkamadda caalamiga ee ICJ lagu kala baxo.

Dhageysigii ugu danbeeyay ee kiiska badda oo dhowr jeer dib u dhacyo ku yimaadeen, ayaa dhacay 18 March 2021, dowaladda Kenya ayaana xilligaas iska diiday inay ka qeybgasho dhageysiga, iyadoo sheegtay inay cadaalad darro ka tabaneyso Maxakamadda, oo diidday codsigeedi ahaa in mar 4aad dib loogu dhigo dhageysiga kiiska.

Ugu danbeyn Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), oo ah hay'adda ugu weyn ee garsoorka ee Qaramada Midoobay, isla-markaana kiiskaan gacanta ku heysay tan iyo 2014-kii, ayaa la filayaan in ay maanta oo ku beegan 12ka Oktoobar 2021, ay ku dhawaaqdo go’aanka kama danbeysta ah ee muranka badda.

Ku dhawaaqista go’aanka la xariira kiiskaan, wuxuu ka dhici doonaa, dhisme sharciyeedka caalamiga ah oo ku yaal Hague, Netherlands, kaas oo loo yaqaan The Peace Palace, Madaxweynaha ICJ, Garsoore Joan E. Donoghue, ayaana akhrin doonta go’aanka Maxkamadda.

Xukunkan ay gaarto Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, rafcaan lagama qaadan karo, maadaama aysan jirin heerar kale oo maxkamdeed, laakiin fulintiisa waxay ka go'daa Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.