Siilaanyo oo booqasho ku tagay Laas-Qoray & Puntland oo ku tilmaamtay ‘Daan-daansi’

Hargeysa (KON) - Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo' ayaa Maanta booqasho ku tagay Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag.
Warar Keydmedia Online
Siilaanyo oo booqasho ku tagay Laas-Qoray & Puntland oo ku tilmaamtay ‘Daan-daansi’

Axmed Maxamed ayaa safar aan horay loo shaacin Saakay ku tagay Degmada Laas-Qoray oo ay Labada Maamul Somaliland iyo Puntland sheegtaan, waxaana la socday Wasiiro kamid ah Maamulkaasi oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhigga oo kasoo jeeda Gobolka Sanaag.

Shacabka Degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, wuxuuna Degmada ka jeediyay Khudbad. Siilaanyo ayaa shacabka Degaanka u sheegay in Maamulkiisa uu dhawaan ka hirgalin doonno Degmada Laas-Qoray Mashaariic badan.

Waa socdalkii ugu horreeyay oo uu Madaxweyne Maamulka Somaliland ku tago Laas-Qoray.

Degmada Laas-Qoray ayaa waxay ka mid tahay deegaannada ay isku khilafsan yihiin Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa booqashada Siilaanyo ku tilmaamay "Daan-daasi" aan loo dulaaqan karin.

"Waxaa saakay oo taariihdu ahayd 16/03/2014 subaxnimadii si xad-gudub ah ku yimid degmada laas-qoray oo ka tirsan Dowladda Puntland Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasoo ah daandaansi iyo xad-gudub lagu soo xad gudbay xuduudda Puntland..." ayaa lagu Qoray War-saxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland.

Keydmedia Online - Hargeysa