Sirdoonka Eritrea oo saldhig ka sameystay Villa Somalia

Inta badan waxaa laga dhigay la-taliyeyaal Farmaajo kala shaqeynayay dib u doorashaddiisa, oo mugdi badan ku geedaaman.

Warar Keydmedia Online
Sirdoonka Eritrea oo saldhig ka sameystay Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Xogo Sirdoon oo laga helay NISA ayaa sheegaya in Muqdisho ay soo gaareen Saraakiil katirsan Sirdoonka dowladda Eritrea, oo Afwerki usoo diray Farmaajo.

Saraakiisha Sirdoonka ee yimid Muqdisho, ayaa ku sugan xarunta Villa Somalia, waxaana la qariyay heybtooda, iyagoo laga dhigay la-taliyeyaal ajaaniib ah oo la shaqeeya Farmaajo.

Wararka Sirdoonka waxay sheegayaan in Afwerki uu xubnaha Sirdoonka usoo diray Farmaajo, si ay ugala shaqeeyaan barnaamijka dib u doorashadiisa, oo hadda hubanti la'aan ku jirta.

Afwerki ayaa xiriir dhaw la leh Farmaajo iyo Abiy Axmed, waxaana saddexda hogaamiye gaareen heshiis iskaashiga amni 2018, waxaana ay wajahayaan mucaarado uga furan dalalkooda. Abiy Axmed ayaa hadda qoriga qaatey, oo TPLF dagaal la galay, halka Farmaajo dhibaato dhexda uga jira, oo mucaaradka ku goodiyeen inay dhisi doonaan dowlad cusub.

Farmaajo ayaa kasoo laabtey Maanta dalka Qatar oo u doontay lacag uu ku galo doorashadda, waxaana wararku ay sheegayaan in Doha Fahad Yaasiin usoo dhiibtay malaayiin dollar.

Sirdoonka Eritrea iyo Itoobiya ayaa aad ugu soo badanayay Muqdisho afartii sano ee uu Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya. Faragelinta dibadda ayaa caqabad ku ah hanaanka dib u dhiska dowladnimada dalka, oo mudo 30 sano ah colaado kusoo jiray.

Eritrea waxay qeyb weyn ka qaadatey xasilooni darrada Soomaaliya, iyadoo lagu xasuusta inay taageeri jirtay Maxkamadihii Islaamiga ee soo xukumayay qeybo kamid ah dalka 2006-2007.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.