Sirdoonka NISA oo laga baarayo Gudiyadda doorashadda

Ra'iisul wasaare Rooble ayaa magacaabey gudi heer wasiirro ah oo baaritaan ku sameeyay gudiyadda doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Sirdoonka NISA oo laga baarayo Gudiyadda doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - RW Rooble ayaa maanta magacaabey gudi heer wasiirro ah oo baaritaan ku sameynaya eedeymaha loo jeediyay gudiyadda doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa sheegay in laga baarayo gudiyadda xubno la sheegay inay Sirdoonka katirsan yihiin, shaqaale dowladeed iyo taageeriyaasha Farmaajo, kuwaasoo lagu qariyay labada gudi heer Federaal iyo Heer qaran.

Mucaaradka ayaa horey u sheegay in Farmaajo si uu ugu shubto doorashadda uu ka buuxiyay gudiyadda dhalinyaro u badan NISA, kuwa katirsan xafiiskiisa oo Cabdinuur ugu horeeyo iyo kuwa ka taageeri jiray baraha bulshadda.

Qododka 1aad ee heshiiska doorashadda ayaa dhigaya in la turxaan bixiyo gudiyadda doorashadda, oo dib loogu laabto, si loo qanciyo dhinactada tabashadda ka keenay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.