Sirdoonka Dalka Mareykanka oo Xarumo ka sameestay Kenya - Xog

Nairobi (Keydmedia) - Sirdoonka Mareykanka CIA iyo Wasaarada Gaashaandhigga Wadankaas ayaa Xarumo cusub ka dhisteen gudaha Dalka Kenya gaar ahaan degaanada Soomaalida-Kenya, warkaas waxaa dhawaan daabacay Wargeyska Washington Post.
Warar Keydmedia Online
Sirdoonka Dalka Mareykanka oo Xarumo ka sameestay Kenya - Xog

Warkgeyska ayaa qorlaakiisa ku xaqiijiyey in dawlada Mareykanka ay gudaha Kenya ka dhisteen saldhigii ugu horeeyey ee noociisa ah kaasoo ay ka duulayaan diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanka u adeegsado sirdoonka, iyadoo horey uu u jiray mid ay iska lahaayeen sirdoonka Yuhuuda oo in muddo ahba ka howlgalaayay degaanada Soomaalida.

Xarumahaan ayaa la sheegay in loogu talagalay in Saldhig ay u noqto Shaqaalaha diyaarinaya diyaaradaha loo yaqaano "Surveillance Drones" kuwaasoo Mareykanka uu u adeegsado Wadamada Pakistan, Afghanistan iyo Ciraaq.

Wargeyska ayaa sheegay in diyaaradaha ka soo duulaya Kenya ay duulimaadyo xog ururin ah ku marayaan wadamada Soomaaliya, Uganda iyo Jabuuti, waxaana diyaaradahan ay qaadayaan sawiro iyo Video dhamaan goobaha ay dulmaraan iyagoo saworada iyo Video u gudbinaya xarunta dhexe ee ku taalla Kenya.

Horey ayaa dawlada Mareykanka saldhig kale oo diyaaradaha duuliyaha aan lahayn ay ka duulaan wuxuu uga fiurtay wadanka Ethiopia kuwaasoo sidee sheegeen loogu talagalay in lala socodka dhaqdhaqaaqayada Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, waxaase Wargeyska uu sheegayaa in sameynta saldhigan diyaaradeed ee gudaha Kenya laga sameeyay uu yahay mid qarsoodi ah.

Dawlada Mareykanka waxay saldhig weyn oo Militari ku leedahay Wadanka Jabuuti iyadoo taliska AFRICOM ee Mareykanka ugu qaabilsan arimaha Afrika uu hawlgalo ka wado dhowr wadan oo isugu jira kuwa waqooyiga, koonfurta iyo bariga qaaradda.

Keydmedia.net / Wadanka