Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo

Oslo (KON) - Shir ka dhacay xarunta Xisbiga Shaqaalaha Norway ayaa waxaa ka soo qayb galay Siyaasiin Soomaali ah oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ee haya talada wadanka Norway.
Warar Keydmedia Online
Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo

Siyaasiga Ahmed Ali Wais oo Soomaalida Norway laba jeer u soo dooratay golaha deegaanka iyo Liibaan oo ah siyaasi da' yar ayaa suaalo ku kar karkariyay Torgeir Larsen oo ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada ee Norway.

Siyaasiintaan ayaa hore ula kulmay Wasiirka arimaha dibada Norway.



Wasiir ku xigeenka ayaa balan qaaday in wixii maantay ka dambeeya ay Norway si toos ah ula shaqayn doonto Dawlada Somalia.

Warbixin ay dhawaan soo daabacday Keydmedia Online oo Ciwaankeedu ahaa "Norway: Istaacmaarka Cusub (New Colonialism)" ayaa waxaa aad uga hadlay Jaaliyada Norwegianka Soomaalida ah.

Xigasho: Warcusub