Siyaasiyiinta kasoo jeedda KGS oo Muqdisho ku kulmay

Siyaasiyiinta kasoo jeedda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan ballaaran ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Siyaasiyiinta kasoo jeedda KGS oo Muqdisho ku kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta kasoo jeedda dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muwdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa qado sharaf u sameeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed, Guddoomiyeyaashi hore ee Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Senataro ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Kulankan qadada ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo tan deegaanada ay ka soo jeedaan mas'uuliyiinta maanta kulmay.

Kulanka ayaa daba-socda kulan maalinimadii shalay ahayd ka dhacay isla magaalada Muqdisho kaasoo uu qado sharaf ugu sameeyay mas'uuliyiinta maanta kulmay, waxaana si aada looga hadlay xaaladda kala guurka iyo doorashooyinka lagu wado goor dhaw in ay ka billiwdaan magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.