Somaaliya oo labo ciyaaryahan u dirtay Cayaaraha Tokyo

Iidow wuxuu tartankaan kula biirayaa feeryahankii ugu horreeyay ee Olombikada ku matala Soomaaliya, Ramla Cali, oo ku tababartay London, dhawaanna gaartay Tokyo.

Warar Keydmedia Online
Somaaliya oo labo ciyaaryahan u dirtay Cayaaraha Tokyo

Tokyo, japan - Kooxda Olombikada Soomaaliyeed ayaa Jimcihii si rasmi ah ugu amba baxay Ciyaaraha Tokyo, kadib markii Madaxweynaha mudadu ka dhamaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sagootin ugu sameeyay Madaxtooyada.

Madaxa gobolka iyo saraakiisha sarsare ee isboortiga ayaa ku booriyay kooxda inay si kalsooni leh u tartamaan iyagoo waliba si sharaf leh u lulaya calanka Soomaaliya.

Orodyahanka masaafada dhexe Cali Iidow ayaa ka qayb gali doona orodka 800 ee mitir kadib markii uu laba sano tababar adag la qaadanayay ciyaartooy xirfadlayaal ah sida; Mo Farah oo reer Britain ah iyo Ayaanle Suleymaan oo reer Jabuuti ah oo ku sugnaa buuraleyda sare ee Itoobiya.

Iidow wuxuu tartankaan kula biirayaa feeryahankii ugu horreeyay ee Olombikada ku matala Soomaaliya, Ramla Cali, oo ku tababartay London, dhawaanna gaartay Tokyo.

Maxamed Cabdow Xaaji, madaxa guddiga Olombikada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in sanadkan uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana uu ku faraxsan yahay in Cali oo xirfad sare leh la xushay, halka uu xusay in guddigu isku dayayo inuu tababaro ciyaartoy kale oo ka baxsan orodka fog iyo midka dhexe, taas oo caan ka ah waddamada Geeska Afrika.

Wasiirka Isboortiga Xamza Siciid Xamza, ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii loo casriyeyn lahaa xarumaha isboortiga Soomaaliya, sida garoomada lagu tababarto, si gacan looga geysto horumarinta natiijooyinka cayaartoyda.

Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse, ayaa dalka ku matalay cayaaraha oradka Olombikadii lagu qabtay Rio de Janeiro, Brazil, Agoosto, 2016.

Soomaaliya waligeed kuma guuleysan billad Olympics ah nooc kasta oo isboorti ah. Iidow iyo Ramla waxay rajaynayaan inay noqdaan kuwo lagu faano marka ay billowdaan Ciyaaraha  23-ka July.

KEYDMEDOA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.