Maamulka Somaliland: Nama quseeyo Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Booqashadda Muuse Biixi ayaa cirka kusii shareertay xiisadda diblomaasiyasadeed ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Somaliland: Nama quseeyo Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn khilafka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Yaasiin Xaaji Faratoon, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa Wareysi uu siiyey BBC wuxuu kaga hadlay safarka Madaxweyne Biixi ee Kenya, isaga oo dhanka kale ka warbixiyey ulajeedka safarkooda.

Waxa uu Faratoon sheegay in safarkooda Kenya uu la xiriiro hagaajinta xiriirka ay la leeyihiin Kenya iyo sidoo kale in la horumariyo xiriika Labada dhinac ka dhaxeeya.

Dhanka kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday arrinta Jaadka Kenya, waxaana uu sheegay in magaalada Hargeysa la geeyo Jaadka Kenya, islamarkaana aanay jirin wax ka quseeya xayiraadda DFS ee Jaadka.

Kenya ayaa sameenaysa wax walbo oo ay uga careysiinayso DFS, iyadoo dhanka kale urur goboleedka IGAD uu 20-ka bishan ka fariisan doono dacwad ay DFS uga gudbisay Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.