Somaliland oo caalamka uga ashtakootay DFS

Somaliland ayaa aaminsan in ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya inteeda kale.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo caalamka uga ashtakootay DFS

Maamulka Somaliland ayaa beesha caalamka u gudbiyey qoraal ay uga ashtakooneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraalkan oo si gaar ah uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in aanay shaqo ku lahayn arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya.

Ashtakadan ayaa si gaar ah waxaa loogu diray QM, AU, EU, waxaana ay u sheegeen in laga taxadaro wax walbo oo dhaawacaya Somaliland.

Somaliland waxa ay uga digeysaa maamulka iyo siyaasiyiinta Somalia in ay ka waantoobaan sheegashada "dhulkeena" kuna marin habaabiyaan beesha caalamka

Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay iney tahay dal madax-banaan oo xor ah 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, qoraalkan ayaa beesha caalamka looga codsaday iney aqoonsi daleed oo buuxda siiyaan Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.