Somaliland oo codsatay ciidamada Mareykanka in ay Somaliland xarun ka sameystaan

Maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland ayaa codsaday baddalka ciidamada Mareykanka ee ka baxaya Soomaaliya in ay xarun ka sameystaan dhulka Maamulkaas.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo codsatay ciidamada Mareykanka in ay Somaliland xarun ka sameystaan

HARGEYSA, Soomaaliya - Maamulka aan weli helin aqoonsiga ee Somaliland la baxay ayaa si aada usoo dhaweeyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka Donald Turamp ee ahaa in uu amar siiyay Xrunta Pentagon ka si looga soo saaro ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya horraanta sanadka soo socda ee 2021.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 700 oo askari waxaana loo qorsheeyay in ay dib ugu laaban doonan saldhigyo Maraykanku ku leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu taageeray waxayna codsadeen taa baddalkeeda in ay xarun ka sameystaan dhulka ay maamulaan ee Somaliland kaasoo ay ku sheegtay in deegaanadoodu ay gaareen isku filnaashiyo dhinaca doorashooyinka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.