Somaliland oo go’aan ka qaadatey wada-hadalladii DF

Go'aanka ayaa imaanaya xili Somaliland fashil xoog leh kala kulantay Baarlamaanka Ingiriiska oo doodii ka yeeshay qadiyada aqoonsiga hoos loo dhigay, oo aaney jirin cid dhageysatay.

News Keydmedia Online
Somaliland oo go’aan ka qaadatey wada-hadalladii DF

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa ku dhawaaqey in ay joojieen Wada-hadaladii ay kula jireen tan iyo 2012 dowladda Soomaaliya.

Go'aankan ayuu u sababeeyay horumar la'aanta Wada-hadalka, oo noqdey kuwa iska socda, oo aan wax natiijo ah kasoo socon, maadaama arrimaha laga doodayo ay aad u culus yihiin.

Waxaa kamid ah gooni-u-goosadka Somaliland, oo dowladda Soomaaliya ay si adag u diidan tahay, iyadoo Maamulka Hargeysa uusan isna dooneynin midnimo iyo midowga Soomaaliya.

Wada-hadallada waxay kasoo billowdeen London, shirkii loo qabtay Soomaaliya xiligii dalka Xasan Sheekh Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo labo mar ka dhaceen Imaaraadka iyo Turkiga.

Saddex wareeg oo wada-hadallo ah ayay labada dhinac sameeyeen, oo Beesha caalamka dhex-dhexaadinaysay, waxaana dhamaan dadaalladii la sameeyay noqdeen kuwa fashilmay.

Somaliland ayaa sheegta inay ka go'day dalka May 1991, waxayna 30 sano raadinaysay ictiraaf ay albaab walba u garaacdey, qiimo kastana ku bixisay, weliba wax aqoonsaday ma jirto.

Go'aanka ayaa imaanaya xili Somaliland fashil xoog leh kala kulantay Baarlamaanka Ingiriiska oo doodii ka yeeshay qadiyada aqoonsiga hoos loo dhigay, oo aaney jirin cid dhageysatay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.