Somaliland: Dollar been abuur ah oo suuqa lasoo galiyay 

Maamulka Somaliland ayaa soo rogay amar lagu joojinayo qaadashada lacagta Kontonka dollar ee deegaanada Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Somaliland: Dollar been abuur ah oo suuqa lasoo galiyay 

HARGEYSA, Soomaaliya - Maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland ayaa gabi ahaanba joojiyay isticmaalka lacagta kontonka doollar ah, kadib markii suuqa ay soo gashay lacag been abuur ah oo $50.00 (Kontonka dollar), sida uu sheegay guddoomiyaha bangiga dhexe Cali Ibraahim Baqdaadi.

Guddoomiyaha bangiga dhexe waxaa kale oo uu sheegay in ay dalbadeen mishiino aqoonsan kara lacagaha been abuurka ah, kuwaasoo aysan hadda oollin dhulka ay maamulaan Somaliland waxayna halis ugu jirtaa in ay sii socoto lacagahaasi, sidaasi daraadeedna loo joojiyay qaadashada lacagta kontonka doolar ah.

Somaliland waxa kale oo ay sheegtay in lacagtani ay kasoo gashay dhanka Itoobiya, dhawaan ayey ahayd markii magaalada Adisababa lagu qabtay rag dhalasho ahaan kasoo jeeda Nigeria kuwaasoo sameynayay lacago been abuur ah oo ay kamid tahay lacagta dollar ka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.