Somaliland oo ka hadashay marti-gelinta qaxootiga reer Afganistan

Maamulka madax-bannaanida sheegtay ee Soomaaliland ayaa beeniyay warar ku aaddan in qaxooti reer Afgaanistaan ah la geynayo Hargaysa.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo ka hadashay marti-gelinta qaxootiga reer Afganistan

HARGEYSA, Soomaaliland - Saleemaan Cali Koorre oo ah wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahinayay oo sheegayay in Somaliland ka dalbatay dowladda Mareykanka in si KMG ah u qaabilaan qaxooti Afganistan.

Waxba kama jiraan ayuu ku tilmaamay warkan la faafiyay, kaliyana ay ka maqleen warbaahinta, wuxuuna caddeeyay in haddii Mareykanka kasoo dalbado arintan iyagu u madax banaan yihiin go’aankooda.

“ilaa hada war ah in xukuumada Somaliland qaabileyso qaxooti Afganistan ah ma heyno, ma jirto codsi aan Mareykanka u dirnay oo ku aadan in Qaxootiga qaabilno ma jirto” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleemaan Koorre”.

22 kii bishan August ayay aheyd markii 145 qof oo ka mid ah qaxootiga laga soo daadgureynayo dalka Afghanistan ay gaareen dalka Uganda.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.