Somaliland oo Shardi ku xirtay soo celinta Cilaaqaadka QM

Maamulka Somaliland ayaa Shardi ku xiray in ay soo celiyaan cilaaqaadkii Qaramada Midoobay oo toddobaad kahor lagu dhawaaqay in la hakiyay wadashaqeyntii Somaliland iyo Hay'adda Qaramada Midoobay.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo Shardi ku xirtay soo celinta Cilaaqaadka QM

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay mar kale xiriirkii ay u jareen hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka howl gali jiray deegaanada Somaliland.

Biixi, oo ku eedeeyay QM inay amarro ka qaadato dowladda Federaalka, ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay sida ay ku suuroobi karto in mar kale ay u wada shaqeyn karaan Maamulka Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweynuhu wuxuu dalbaday in loola shaqeeyo Somaliland si dal madax bannaan, wuxuu yiri Somaliland waxay ka go'day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, xilligaas wixii ka dambeeyayna Somaliland gooni ayey utaagneed, oo Soomaaliya kama aysan tirsaneen, Biixi ayaa intaa ku daray in Xafiiska Qaramada uu amar ka qaato dowladda Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay in ay dhaawaceyso jiritaanka Somaliland, wuxuuna sidoo kale sheegay in xafiiska Qaramada Midoobey ay ku milmeen siyaasadda inaga iyo Soomaaliya, ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in wakiilka Qaramda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan uusan matalin Somaliland, sidoo kalena uusan "ka shaqeyn karin dhulka Somaliland", waxa uuna sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ay kala xaajoonayaan arrinta soo kala dhex gashay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Somaliland ayaa sida ay sheegatay gooni isu taagtay sanadkii 1991-kii, intaa wixii ka dambeeyay ma helin hal dal oo kamida dalalka Qaramada Midoobay oo aqoonsaday jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland, waxayna dhowr jeer isku dayeen in ay helaan aqoonsi.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixatay heshiis cusub, kaasoo ka duwan kii hore, waxeyna QM deeqda loogu talagalay Maamulka Somaliland usoo marsiin doontaa Dowladda Federaalka, sida ay Keydmedia Online ogaatay. 

Somaliland waxay arrintaas ku tilmaamtay mid meel ka dhac ku ah madax-bannaanideeda.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.