Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Maamulka gobolka Sool ee hoos taga Somaliland ayaa saxaafadda usoo bandhigay hubka fudud ee ay tuugadu isticmaalaan, waxaana laga uruuriyay wadayaasha Mooto Bajaajta.
SOOL, Soomaaliya - Maamulka iskiis ugu dhawaaqay madaxbannaanida ee Somaliland gaar ahaan Booliska gobolka Sool ayaa soo bandhigay hub isugu jira Baaskoolado,Tooreeyo, Mindiyo iyo sameecadaha lagu xiro bajaajta.
Booliska ayaa sheegay inay bilaabeen hawlgal ka dhan ah falalka liddiga ku ah amniga gobolka, waxayna horay u mamnuuceen adeegsiga waxyaabaha ay maanta soo bandhigeen.
Wadayaasha mooto Bajajta ayaa dhowr jeer oo hore qaar iyaga kamida loo soo xiray, maamulka gobolka ayaa tallaabadan ku dhaqaaqay markii kiisas hore oo dad lagu dhibaateeyay mooto Bajaajta ay diiwaan geliyeen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments