Somaliland oo xafiis ka furatay Taiwan

Maamuladaan ayaanan dheg jalaq u siinin hadallada ka soo baxay Soomaaliya iyo Shiinaha oo sheegay in aysan labadaan maamul aqoonsaneyn. 

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo xafiis ka furatay Taiwan

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka goonis isutaaga fadhigiisa yahay Hargeysa ee Somaliland ayaa xafiis diblumaasiyadeed ka furtay Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan iyo Wakiilka Somaliland ee Taiwan Amb Maxamed Xaaji Cumar, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Soomaaliland ay Xafiis uga furaneysay Ismaamulka Taiwan oo aaminsan in ay ka go’een dalweynaha Shiinaha.

Taiwan ayaa sidaan oo kale bishii la soo dhaafay xafiis diblumaasiyadeed kaga furatay magaalada Hargeysa. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.