Soomaali 25 Jir ah oo la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Xildhibaan UK

Xildhibaankaan ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee dalka Ingriiska ayaa waxaa la sheegay in uu dilay Wiil Soomaali ah oo 25 Jir ah. 

Warar Keydmedia Online
Soomaali 25 Jir ah oo la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Xildhibaan UK

LONDON, UK - Warbaahinta dalka Ingriiska ayaa sheegtay in dilka Xildhibaan Sir David Amess uu ka dambeeyay 25-sano jir Soomaali ah.

Sir David Amess, oo 69 jir ahaa, ayaa geeriyooday ka kadib markii marar badan lagu tooriyeeyay deegaan doorashadiisa ee Leigh-on-Sea, Essex Jimcadii shalay.

Booliiska iyo Ciidamada dambi baarista ee boqortooyadda Ingriiska ayaa shaaciyay in Wiil 25 Jir ah loo xiray dilkaan, laakiin Wargeyska Daily Mail iyo BBC ayaa qoray in wiilkaan uu asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya. 

Xildhibaankaan oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa ka tirsana Baarlamaaknka UK tan iyo sanadkii 1983-kii, waxa uuna ahaa aabe dhalay shan carruur ah.

Waa xildhibaankii labaad ee lagu dilo boqortooyadda Ingriiska shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. 

Sanadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cox oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ee Labour. 

Booliska ayaa qayb ka mid ah baaritaankooda hadda ku raadinaya labo goobood oo ku yaalla magaalada London oo u dhaw Essex, waxeyna baadi goobayaan dad la shaqeynayay 25 jirka. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.