Soomaali lagu waayay ku lug lahaanshiyay weerarkii Westgate oo la qafaashay

Waxaa laga baqayaa in dhibaato loogeysto shaqsigan la qafaashay.

Warar Keydmedia Online
Soomaali lagu waayay ku lug lahaanshiyay weerarkii Westgate oo la qafaashay

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay qafaasheen Liibaan Cabdullaahi oo ah Soomaali, islamarkaana maxkamad ay ku weysay ku lug lahaanshiyaha weerarkii 2013 lagu qaaday Westgate.

Maxkamadda ayaa markii ay wax caddeyn ah ku weysay eedeynta loo haystay Liibaan la sheegay in ay siideysay, hase ahaatee isaga oo la socda ehelkiisa markii ay maxkamadda ka tageen ayaa waxaa jidka u galay rag hubeysan.

Qareenka u doodaye Liibaan ayaa sheegay in ragga hubeysan markii ay gaariga kala degayeen u sheegeen iney ka tirsan yihiin ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda lama oga halka lala aaday Liibaan C/laahi, mana jiro wax war ah oo Booliiska ay kasoo saareen afduubkiisa.

Maxkamadda Kenya ayaa sidoo kale dambi ku heshay Labo dhallinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo ilaa iyo hadda baaritaanno lagu hayey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.