Soomaali macluul iyo COVID -19 ugu geeriyootay Uganda

Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 oo ka mid ah qaxootiga dalkaasi ku nool ay u dhinteen macluul iyo cudurka COVID 19 asbuucyadii la soo dhaafay, kadib markii ay saamaysay  xayiraada dowladu soo rogtay, isamarkaana ay waayeen waxa gargaar soo gaarsiiya.

Warar Keydmedia Online
Soomaali macluul iyo COVID -19 ugu geeriyootay Uganda

KAMPALA, Uganda - Sida uu u sheegay Gudoomiya ku xigeenka Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Uganda, Khalis Maxamed, Wakaaladda Wararka Turkiga ee “Anadolu News Agency” qaar ka mid ah qaxootiga ayaa u dhintay macluul, halka kuwa kalana ay u geeriyoodeen xanuunka faafaha ee COVID 19, oo dalkaas si wayn uga jira.

Wuxuu tilmaamay in aysan awoodin in ay caawiyaan qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku nool, sababo la xiriira xayiraadda isku socoda ee dowladdu soo rogtay, maadaama aan la isaga gudbi karin magaalooyinka waddankaas.

Khaalis ayaa sheegay inay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalqabeenno ah oo ganacsi ku leh magaalada Kampala, laakiin aysan gaari karin dadka nugul xayiraadaha jira awgood.

6-dii Juun, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa  ku dhawaaqay xayiraad guud sababo la xiriira faafida cudurka oo ku sii kordhaya waddankana dhaca Bariga Afrika.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalka Uganda  ayaa gaartay 87,277 oo laga helay cudurka, 2,104 ka mid ahna ay u dhinteen, halka 61,304 ay ka soo kabsadeen.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.